Garoonka Muqdisho oo lagu qabtey Ajnabi wata Boorsooyin laga shakiyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Ciidamada amniga Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Nin Ajnabi ah oo wata boorsooyin laga shakiyay, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxaayaan dalka uu u dhashay ninkaan.

Warar Warsidaha Garowe Online uu helayo Saraakiil katirsan Laanta Socdaalka ayaa sheegay in ciidanka booliisku ay ku joojiyeen ruuxan kadib markii ay ka shakiyeen seddex shandad, xilli uu ka gudbayay qeybta baarista.

Waxa uu ku qornaa diyaaradda Eithiopian airlines duhurnimadii maanta ka duuleysay Garoonka, balse laga celiyay duulimaadkiisa, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Nabad Sugida, oo baaritaan ku haya kiiskiisa.

Illo ku dhaw NISA ayaa GO u sheegay in boorsooyinka ay ku jiraan qasacado ay ka buuxaan sunta dadka ka ilmeysiisa [Tear Gas], waxaana ninka wata wax laga waydiinayaan halka uu ka keenay alaabtan, meesha uu u waday iyo cid iska leh.

Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya dhalashadda ninkaan, waxaa lagu tilmaamay inuu midkooda kasoo jeedo South Africa ama Mareykanka, laakiin waxaa laga war sugayaa Nabad Sugida inay fahfaahiso magaciisa iyo jinsiyadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM