Gedo: Kenya oo duqeyn ku dishey dad rayid ah

Image

Iftiin Yuusuf Sheekh Isaaq oo ku sugan deegaanka Laan-qurac oo ka mid ah deegaannada ay duqeyntu ka dhacday ayaa VOA u sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen labo qof, kuwaasoo u sugnaa ceel ay biyo ka dhaansanayeen.

Iftiin ayaa sheegay in deegaannada ay duqeyntu ka dhacday aysan ku sugneyn maleeshiyada Alshabaab, balse ay ku nool yihiin dad reer miyi ah.

Iftiin ayaa sheegay  in duqeyntaasi ay socotey muddo labo saacadood oo diyaaraduhu ay soo laabteen dhowr jeer.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore duqeymo ka fulisay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku sheegtay in ay ku beegsanayso saldhigyo ay halkaasi ku leedahay maleeshiyada Alshabaab.  

XIGASHO: VOA

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM