Gedo: xubno Al-shabab ah oo ciidamada DF isu soo dhiibey [DHEGEYSO]

Image

August 5, 2015 (GO)- Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ku dhawaad boqol qof oo isugu jira maleeshiyaadka al Shabaab iyo Taageerayaashoodu ay isa soo dhiibeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Ethiopia ee ka tirsan AMISOM ay hawlgallo iyo duqaymo ka wadeen tuulooyin hoos yimaadda gobolka Bakool.

Hadaba si aan arrintaasi faahfaahin uga helno ayaa Xuseen Barre Aadan oo ku sugan Washington waxa uu ka waraystay Taliyaha  guutada sideedaad ee ciidamada dawladda Soomaaliya ee gobolka Bakool Kornayl Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Tima Cadde).

Xigasho: VOA

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM