Musharaxiinta oo u digay Farmaajo kahor banaanbaxa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadaya mas'uuliyad cawaaqib kasta oo ka dhasha mudaaharaadka Midowga Musharaxiinta u muddeeyeen Jimcada todobaadkan, sidda uu sheegay afhayeenkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Midowga Musharaxiinta isla markaana wasiirka warfaafinta ka ahaa dowladda waqtiga ka dhacay ee Farmaajo, ayaa sheegay in laamaha ammaanka aysan kasoo jawaabin dalab ay u direen oo ah in ay sugaan nabad-gelyadda banaanbaxa iyo musharaxiinta.

Villa Soomaaliya ayuu si toos ah ugu eedeeyay in ay "iska horkeeneyso kalana daadineyso wiilasha iyo gabdhaha nabad-gelyada sugaya iyo ciidamadda gaar u ah xaqiijinta badqabka Midowga Musharaxiinta madaxtinimada".

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in dalabka Musharaxiinta uu kamid ahaa in ay kulan yeeshaan ciidamadda qaabilsan ammaanka Musharaxiinta iyo kuwa kale ee dowladda federaalka si ay isku kaashadaan.

"Laakiin waajibka iyo mas'uuliyadda uga dhici maayo in ay ka aamusaan," ayuu ku daray isaga oo u muuqda mid la hadlayataliyeyaasha ciidamadda dowladda federaalka oo uu ku booriyey in ay siyaasadda ka fogaadaan.

Isu-soo-baxa ay iclaamiyeen ayuu ku nuux-nuux-saday in uu qabsoomo waqtigiisa isla markaana uusan jirin wax dib-u-dhac uu ku yimaadey.

"Siyaasadda waa maya hoos ah iy haa oo xoog," ayuu xusay, isaga oo hadalkiisa intaas kusii daray carabkana ku adkeeyay: "Kelitalisnimada, doorasho diidka iyo kursiga isku-dhejinta ayaan rabnaa in aan dhahno maya oo xoog ah".

Ugu dambeyntii, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku wargeliyey in ay ku dhaceyso mas'uuliyad dhibaato kasta oo Jimcada ka dhaca fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaaladda caasimadda ah.

"[Xataa] dhalo haddey jabto isaga ayaa loo haystaa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Daahir Geelle oo soo noqdey danjire Soomaaliya ku metelay Sacuudi Carabiya kahor inta uusan wasiirka warfaafinta noqon oo si lamid ah uu soo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM