Geelle: Farmaajo waa nin horror ah haduu gaadey madaxdii hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ma jiro shir dambe oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagula yeelan karo Muqdisho kadib markii uu "gaadey" madaxdii ka horeysay, sidda uu sheegay musharax madaxweyne.

Daahir Maxamuud Geelle, afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta, ayaa ku qeexay Farmaajo "nin horror ah oo xormeyn waayey madaxweynihii xilka ku wareejiyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Geelle ayaa hadlay kadib dagaal dhacay ka dhacay nawaaxiga Daljirka Daahsoon kaasoo dowladda iyo mucaaradka uu midba kan kale uu ku eedeeyay in uu gacan ka hadalka bilaabay.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Dan Qaran ayaa rumeysan in mar-xaladda uu haatan ku jiro waddanka uu uga bixi karo dadweynaah oo isu-soo-baxa nabadeed ee Jimcaha kawada qeybgala.

"Dhibaatadda meesha ay taagan tahay in ay kasii darto mooyee hadii loo dabco ma dabceyso," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo Midowga Musharaxiinta ay xalay ku qabteen Muqdisho.

Mudaaharaadka oo qaban-qaabadiisa ay soo bilaabatay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa ciwaankiisu yahay in lagu dalbado in waddanka uu galo jawi doorasho kana gudbo mar-xalada kala guurka.

"Wax dila idin ma dhihin wax la dirira idinma ma dhihin war xumo ku hadlana idin ma dhihin laakiin in asaguna meel yahay ummaduna meel tahay in la tusaa loo baahan yahay," ayuu ku daray.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, musharax madaxweyne Geelle ayaa ugu baaqay guud ahaan ciidamadda si gaar ah Taliyaha guud ee Milatariga, Odowaa Yuusuf Raagge in ay dhexdhexaad ka noqdaan is-faham-waaga siyaasadeed ee waddanka galay.

"Taliye Odowaayow dadku ma sinno. Taliyihii Xoogga Dalka Soomaaliyeed adigaa ah. Taliyaha Xoogga Soomaaliyeed waxaa tahay marka Soomaaliya ay jirto. Soomaaliya marka ay dimuqraadi tahay oo ay is-dooran karto waa marka dadka nabad-qabaan. Ciidamadu waxay dadka ka adag yihiin marka heshiis la yahay. Ciidanka waa in laga ilaaliyo dagaal sokeeye in la geliyo. Xalayto dagaal sokeeye ayuu odaygu fasaxay. Adigu ka celiyo," ayuu xusay.

Madaxda maamuladda ayuu si dadban ugu baaqay in aysan kasoo degin Muqdisho, isaga oo su'aal geliyey kalsoonida ku qabo in ay nabad-gelayaan madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo.

"Maamul goboleedyadda dalka ka dhisan waxaan leenahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa nin horror ah hadii madaxdii hore uu maagay idinkuna waa idin maagi karyaa la iskuma aamini karo goob nabad ah oo dadka iyo dalka isugu yimaadaan baa loo baahan yahay ninka in uu Muqdisho kula hor-fadhiista rabo ha ogaado kii xilka ku wareejiyay markii uu xormeyn waayay oo uu gaadey adigana wuxuu kuu reebi karo malahan. Marka shir lala hor-fadhiisto iyo oday dambe oo Soomaaliyeed oo loola  caawa wixii ka dambeeya ma jiraan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Soomaaliya ayaa u muuqata in ay lugaha lasii galeyso qalalaase doorasho taas oo natiijada ka dhalan karta aan la saadaalin karin, balse waxaa isa soo taraya baaqyadda ku saabsan in darafyada is-haya ka fogaadaan fal dhabaha u xaaraya gacan ka hadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM