Geelle oo beeniyay in musharaxiinta ay kala jabeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee muddo xileedka ka dhamaadey waxay ku mashquulsan yihiin kala qeybinta Musharaxiinta mucaaradka, sida uu sheegay Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumaddii xasan Cali Khayre oo Jimcada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in musharaxiinta uu madmadow soo kala dhex-galay.

Sida laga soo xigtay Geelle, Golaha Midowga Musharaxiinta "maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan".

"Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo. Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay!".

"Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah," ayuu caddeeyay.

Geelle oo ah aas-aasaha xisbi siyaasadeedka Dan Qaran horeyna u soo noqdey danjiraha Soomaaliya u qaabilsan boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa kusoo xiray: "KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM