Geelle: Farmaajo wuxuu rabaa kama dage in uu noqdo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle, afhayeenka Midowga Musharaxiinta, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo in uu amray guddoonka Golaha Shacabka in ay muddo kororsi u sameeyaan, wuxuuna ku booriyey in uu dalka ku hogaamiyo doorasho daahfuran.

"Aad ayaan u cambaareynaynaa in la isku dayo in lasoo nooleeyo xilli xileedka dhamaadey. Ilaahey baa wax dhintay soo nooleeya. Laakiin marka la yiraahdo waa soo noolaadey, waa wax sharci darro ah," ayuu Geelle u sheegay wariyeyaasha kadib kulan ay maanta Musharaxiinta ku yeesheen Hotel Jazeera.

Intii uu shirka jaraa'id ka hadlaayey, Geelle ayaa sheegay in ay ka qeybgaleen shirkii madaxda maamuladda ku dhexmaray Airport Hotel. Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ayuu xusay in ay la wadaageen walaaca "aan ka qabno xaaladda uu dalka ku sugan yahay".

Geelle oo hoosta ka xariiqay in muhiim ay tagay in miiska wadahadalka lagu soo afjaro is-mari-waaga waqti xaadirkan jira ayaa carabka ku adkeeyay in dheereysi ay khatar ku tahay xasiloonida waddanka.

"Xilka wuxuu ku qurux badan yahay in aan sanduuq dhalo ah ku timaado kuna tagto. Haddii qori aad ku timaado meesha ay ku dhamaaneyso waan soo aragnay," ayuu hadalkiisa ku daray.

"Kama dage"

Sidda laga soo xigtey Geelle, madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo wuxuu doonayaa in uu xukunka baaqi kusii ahaado.

"Annaga waxaan rabnaa in afartii sanaba in la is doorto iyo in dadka Soomaaliyeed ay dhexyaal madaxwayne. Laakiin afartii sano ee lasoo dhaafay waxaan dhaxleynaa hagardaamo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wuxuu ku daray: "Maamulka hadda joogo ee Farmaajo wuxuu rabaa in uu noqdo kii kama dagaha ahaa iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo isaga uu keeno iyo doorashooyin kale oo la juujuubo. Arrintaas waxay khatar ku tahay is-aaminaadda, amniga iyo isla socoshada".

Ku dhowaad muddo laba bilood ah, Soomaaliya ayaa dhexda kaga jirta qalalaase dastuuri ah ka gedaal markii madaxwayne Farmaajo uu waqtiga ka dhamaadey iyaddoo uusan caddeyn qaabka dalka uga gudbayo mar-xaladda kala guurka iyo in coddeynta heer federaal ay ku qabsoomeyso si daahfuran oo xor iyo xalaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM