General Gaafow walaalkiis oo mar kale la doortay

Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashooyin ka dhacay magaalada Muqdishu iyo qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada Somalia ayaa waxaa kusoo baxay shakhsiyaad kamid ahaa 11 qof ee la diiday doorashadooda kadib markii lagu helay arrimo isugu jira laaluush iyo musuq-maasuq.

Mid kamid ah kuraastaas ayaa doorashadiisu ka dhacday xarunta dalka Somalia ee Muqdishu, waxaana ku tartamayay murashaxiin uu kamid yahay Cabdulqaadir Gaafow oo la dhashay taliyaha NISA, kaasoo lagu eedeeyay in doorasho ka dhacday Cadaado uu adeegsaday xoog.

Cabdulqaadir, wuxuu ka adkaaday murashax lagu magacaabo Zakariye Maxamed Cosoble.

Lama oga sababta keentay in dib mar kale loo doorto, balse waxay kusoo aadaysaa xilli doorashadu ka hartay wax ka yar Asbuuc.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Garowe lagu doortay Xildhibaan horay loosoo celiyay.

Xildhibaanada inta badan waxaa dooranayay Ergadii horey usoo xushay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay Guddiyadii soo celiyay mas'uuliyiintaas.

Tallaabada ayaa laga cabsi qabaa inay siyaadiso musuq-maasuqa laga cabsi qabo doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 08 Febreuary, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM