Go'aanka Kenya ku xireyso xeryaha qoxootiga oo laga shiray

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay mas'uul sarre oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Mas'uulka uu la shiray waa Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami.

Shirka ayaa waxaa lagu waramay in uu qeyb ka ahaa Ergayga Gaar ah ee Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

Madaxtooyadda Jubaland oo soo saartey war-saxaafadeed lagu daabacay ciwaanka ay ku leedahay mareegga Facebook ay ku fahfaahisay qodobadda diiradda lagu saarey kulankan.

"Waxaana kulanka lagaga hadlayay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto," ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalka.

Bayaankan oo uu arkay xafiiska wararka Garowe Online ayaa la raaciyey "Waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay".

"Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Gudoomiyaha gudiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Kenya ayaa martigelisa tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida ee aduunka. Balse, xiriirka xumaadey ee Muqdisho iyo Nairobi wuxuu horseeday in ay qaado talaabooyin liddi ku ah Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM