Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya — Mareykanka ayaa sheegay inuu ka hor istaagi doono Qaramada Midoobay inay maalgeliso howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, arrin laga yaabo inay halis geliso mustaqbalka joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka.
Dukumenti diblomaasiyadeed oo uu Mareykanku u diray Midowga Afrika, laguna arkay wakaaladda Reuters, ayaa lagu sheegay in Washington ay diidi doonto in lacagaha UN-ka loo adeegsado howlgalka AUSSOM (African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia).
Howlgalkaas ayaa sanadkii hore lahaa miisaaniyad ku dhow $190 milyan, balse waxaa soo food saaray dhaqaale yari baahsan oo saameyn ku yeeshay hawlgalladiisa.
Mareykanka ayaa ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo miisaaniyaddiisa sanadkan la filayo inay ka badato $500 milyan.
Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Itoobiya iyo kuwa kale, ayaa dalka ku sugan tan iyo 2009 si ay u taageeraan dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.
Midowga Afrika ayaa sheegay in ay wargeliyeen xubnaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee ururka, iyagoo ka digay in go’aanka Mareykanka uu saameyn weyn ku yeelan karo mustaqbalka howlgalka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu sii adkeeyay mowqifkiisa ku aaddan Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku fashilantay la wareegista mas'uuliyadda amniga qaranka iyo inay guul ka gaari waysay dagaalka Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE