Go'aankii Mursal kasoo saarey 15-ka Xildhibaan oo la naqdiyey
MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa uu idlaadey 27-dii December sanadkii hore 2020-ka ayaa ku gacanseyray go’aankii afhayeenka Golaha Shacabka uu shanta kulan ee soo aadan uu golahaas uu kaga mamnuucay 15 mudane.
Mahad Maxamed Salaad oo kasoo muuqdey liiska sharci-dejiyeyaasha xayiraadda lagu soo rogay ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Faceboook wuxuu ku cambaareeyay talaabadda Maxamed Mursal Cabdiraxmaan wuxuu ku sifeeyay "garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed".
"Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda!," ayuu tibaaxay.
Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sidoo kale kamid ah mudaneyaasha ku jiray liiskaas oo la faray ilaaladda xarunta golaha in aysan u ogolaan soo gelida xarunta Aqalka Hoose ayaa caddeeyay in aysan u hogaansami doonin.
"Horta nagala mamnuucay ma jiraan. Dabcan waan aragnay warqadda kasoo baxdey guddoomiyihii hore [ee Golaha Shacabka] ayna kawada shaqeeyeen isaga iyo ku xigeenka labaad Mahad Cabdala Cawad. Laakiin, ma ahan warqad macno sameyneysa oo annaga naga joojineysa kalfadhi iyo howlo," ayuu Xidig oo laga soo doorto Jubaland u sheegay Idaacada Subaxnimo ee BBC-da.
Guddoonka Golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan fashilinta shirka lagu waddo in uu Muqdisho ku dhexmaro maamulada iyo dowladda federaalka "si uu marmarsiyo ugu helo muddo kororsiga".
"Guddoonka [Golaha Shacabka] Sac batiyey ayay rabaa in ay caano ka maalaan," ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo cod dheer ku sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in waqti loogu darro maamulka dhacay ee Farmaajo.
Dowladdo uusan magacyadooda shaacin "balse dhowaan soo galay" Soomaaliya "markii ay muddo ka maqnaayeen" ayuu ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan sidii waddanka uu gacanta ugu dhigi lahaan xukun kaligiii taliye ah.
Talaabadda uu guddoomiye Mursal ka qaadey Xildhibaanadan ayaa ka dambeysay markii ay is-hortaageen qorshe la doonayey in lagu shirsiiyo Golaha Shacabka maalintii Sabtida. Fadhigaas wuxuu mucaaradka ka dhawaajiyey in kororsi sharci darro ah loogu sameyn lahaa Farmaajo oo xiliga ka dhacay 8-dii bishii Febraayo.
GAROWE ONLINE