Go'aan uu ku dhawaaqay Farmaajo oo khilaaf ka dhaliyey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dadweynaha ku dhaqan magaala madaxda maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ku kala aragti duwnaaadey go'aankii uu madaxweyne Farmaajo ku bedelay magacii magaaladdaas.

Shacabka taageersan isbedelkaas ayaa ku doodaya in luuqad ahaan aysan habooneyn Dhuusamareeb, halka qaarka kasoo horjeeda in loogu yeero Samareeb ay cuskanayaa in loo maro habka sharciga ah.

Rayidka naqdinaya isbedelka ayaa aaminsan in magaca Dhuusamareeb uu yahay mid dastuuri ah isla markaana baarlamaanka go'aamin karo.
Cabdiraxmaan Cali Geeda-qarow, maayarka Dhuusamareeb oo xaqiijiyey "khilaafka ka dhex-dhashay" dadka, ayaa hoosta ka xariiqay in loo gudbin doono Wasiirada iyo Baarlamaanka si ay go'aan uga soo saaraan.

Isagoo qiray in talaabada isbedelka ay ku saleysan tahay guux maalmihii u dambeeyay ka jiray baraha bulshada, madaxweyne Qoor-qoor ayuu caddeeyay in uu Farmaajo u gudbiyey magaca cusub si uu ugu dhawaaqo.

Mar wax laga waydiiyey fasiraada kala duwan ee laga sameeyay Samareeb ayuu yiri "qofkii raadinaya xumaanta wuxuu u qaadanayaa 'Sama-diid', qofkii wanaaga doonaya wuxuu u qaadanayaa meel xudun u ah samaanta".

Xilli uu la hadlayey laanta af Soomaaliga ee idaacada BBC ayuu ku daray "kala qeybsanaanta waa macnaha uu yeelan karto Af Soomaali ahaa".

"Aad baa loogu kala qeybsan yahay; dadka qaar waxay leeyihiin magaaladan waa caasimada Galmudug; waxyaabaha dastuuriga ah oo aan la ogoleyn oo Umadda heshiiska ku tahay waxaa kamid ah magaaladan caasimada ah, calanka iyo magaca Galmudug, sidaas daraadeed magacaan lama taaban karo dadka qaar baa dhahaya; kuwa kalana waxay leeyihiin madaxweynihii federaalkaa ku dhawaaqay; ku dhawaaqida madaxweynuhu waa digreeto, sidaas darteeda waa la bedelay; ha yeeshee waxaan is-leeyahay geedi u socodka ugu fiican ee khilaafkaas looga bixi karo waxaan is-leeyahay; Insha Allah magacaan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la geyn doonaa oo kadibna u sii gudbin doonaa baarlamaanka si ay ugu coddeeyaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Farmaajo ayaa khudbadiisa xiritaanka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb 3 ka shaaciyey in uu magacii Dhuusamareeb loo bedelay Samareeb, isagoo xiligaas tibaaxay in codsiga uu kaga yimid madaxda Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM