Go'aano laga soo saarey shirkii Gollaha Wasiirada Soomaaliya

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo yeeshay shalay kulankoodii Todobaadlaha, kaasoo uu shir gudoominayey Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa laga soo saarey qodobo ku saabsan amniga, siyaasada iyo arrimaha bulshadda.

Kulankaan oo ay soo xaadireen inta badan Wasiiradda xukuumadda ka tirsan ayaa waxaa ugu horeyn warbixino looga dhageystay Wasiiradda Wasaaradaha Amniga Gudaha, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo kuwa kale.

Gollaha wuxuu cod gacan taag ah ku meel-mariyey in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirto Axdiga ilaalinta xuquuda dhowreysa Dadka Naadafaha xili ay soo diyaarisay Hindisa sharciyeedkaasi Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda gaarka ah siinaya dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta Qaramada Midoobay ee New York 13-kii bishii December, sanadkii 2006, inkastoo dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

- Amniga iyo qodobada kale -

Istaraatiijiyadda ku wajahan wacyi gelinta heerka Qaran, Amniga iyo caddaaladda ayaa sidoo kale lagu ansixiyey kulanka Gollaha, waxaana soo diyaarisay Hindisahani Wasaaradda Amniga Gudaha, taasoo Wasiirkeeda Maxamed Islow uu xaadir ku ahaa shirka.

Sidoo kale, kulanka arrimaha looga doodey waxaa kamid ah sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee qaranku leeyahay, taasoo dood dheer kadib isku raaceen xubnaha inay muhiim tahay in la meel-mariyo.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda, Aadan Isxaaq oo kulanka markuu soo idlaadey wareysi siiyey warbaahinta ayaa shaaca ka qaadey in dowladdu ka go'an tahay inay dhowrto xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM