Golaha amaanka qaramada midoobey oo welwel ka muujiyey dib u dhaca doorashada Somalia

Image

NEW YORK- Golaha amaanka qaramada Midoobey ayaa Jimacadii 19 August, 2016 ku tilmaamay iney tahay wax lagu xumaado dib u dhaca lagu sameeyey doorashada Somalia, kuwasoo ugu yeerey in jadwalka la badalay lagu dhaqmo.

War kasoo baxay 15 xubnood ee Golaha amaanka ayaa lagu soo dhoweeyey isbadalka siyaasdeed Iyo heshiiska dhinacyada siyaasdeed ka gaareen in doorasho dadban laga qabto Somalia taasoo u gogol xaareysa in wadanka ka dhacdo 20020 mid ku saleysan Hal cod Hal qof.

Golaha ayaa soo dhoweeyey kordhinta madaxda Somalida waqtiga ugu dareen hay'adaha Dowlada kuwasoo sheegey iney  waafajiyeen jadwalka cusub ee doorasho kaasoo waqtigiisu ku egyahay 30 October,2016.

Dib u dhaca ku yimid doorashada ayaa kordhiyey welwelka laga qabo rabtaanka madaxda Somalida  u qabaan iney kororsiimo rasmiya u helaan xilliga doorasho ee Somalia.

Dhinaca kale waxaa la rumeysan yahay in madaxda maamulada Somalia kala shaqeynayaan Dowlada Xasan Shiikh iney u ansaxiyaan danaha siyaasdeed uu ka leeyahay doorashada 2016 taasoo kordhineysa welwelka ah in doorashada u dhacdo si caddaalad ah. 

Kordhinta waqtiga hay'adaha Dowlada Somalia ayaa waxa sidoo kale Wel wel weyn ka muujiyey murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Somalia kuwasoo ku sheegey qoraal ay si wada jir ah u soo saareen.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM

Maraykanka oo Baaq Degdeg ah usoo Diray Madaxda Soomaaliya Xilli uu Jiro Ismari-waa Doorasho

Maraykanka iyo saaxiibada caalamka ayaa rumeysan in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 10:43AM