Golaha Ammaanka oo baaq u diray DF iyo maamuladda

Image

NEW YORK, USA – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay dowladda Soomaaliya Jimcihii in ay abaabusho doorashooyinka "dib u dhac la'aan", sida lagu sheegay qaraar soo saarey oo xoojinaya halista dhanka amniga ee dalka uga imaaneysa Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Qaraarka, oo lagu ansixiyey si wadajir ah, wuxuu muddo kordhin illaa sanadkan ah uu u sameeyay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana lagu tartarsiiyey in ay dardargeliyaan ciribtirka kooxaha argagixisada ah si loo suurtageliyo "Soomaaliya oo mid ah, xasiloon, federaalna ah".

Hay’ada ugu awooda badan Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa waxay sheegtay in hadafkeeda uu yahay yahay in amniga lagu wareejiyo ciidamadda Soomaalida isla markaana qorshuhu yahay in Soomaaliya ay hogaanka u qabato 2021, lana wareegto masuuliyad buuxda dhamaadka 2023.

"Waxay xoojineysaa muhiimadda ay leedahay in la dhiso awoodda ciidamada Soomaaliya iyo hay'adaha si ay awood ugu yeeshaan maareynta khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, waxayna awood u siineysaa ciidamada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AMISOM, in ay taageeraan ku wareejinta waajibaadka amniga ee dowladda," ayaa lagu yiri qaraarka Golaha Ammaanka.

Ansixinta qaraarka ayaa yimid iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska saaran madaxweynaha Soomaaliya ee waqtiga ka dhacay Maxamed C/laahi Maxamed kadib markii la qorsheeyay in doorashada la qabto 8-da Febraayo ay dhici weyday sababtoo ah heshiis la'aanta ku saabsan sida codka loo qaadayo.

Mucaaradka ayaa waxay ku eedeynayaan Farmaajo oo doonaya markii labaad muddo xileed afar sano ah, inuu dib u dhigay doorashada si loo kordhiyo Muddo xileedkiisa. Madaxweynaha ayaa dib-u-dhaca ku eedeeyay faragelinta shisheeye wallow uusan magacaabin wadamo gaar ah.

Golaha Amniga ayaa walaac ka muujiyey dib u dhaca ku yimid dhameystirka qabanqaabada doorashooyinka sanadkan. Waxay ku boorisay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada "inay abaabulaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay" iyadoo la raacayo heshiiskii Sebtember 17, 2020 oo shir dhowaan dhacaya looga doodayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM