Golaha Ammaanka oo baaq u diray madaxda Soomaalida

Image

NEW YORK, USA – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu Arbacadii ugu yeeray hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ku kulmaan "fursada ugu horeysa" si loo kala dhantaalo jahwareerka dib u dhaca ku keenaya qabsoomida doorashooyinka loo qorsheeyay 8-da Febraayo sanadkan 2021.

Sidda ku cad bayaan, Goluhu ayaa baaqan diray kadib warbixin kooban oo uu ka helay ergeyga gaarka ah ee UN-ka James Swan kaasoo xusay in doorashooyinka qaab loo dhan yahay ay ugu dhacaan sida ugu dhakhsaha badan ay dan weyn ugu jirto dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu ku booriyey dhinacyada inay xalliyaan arrimaha taagan iyadoo lagu saleynayo heshiis ay gaareen Sebtember 17-keedii.

Tani waa baaqii labaad oo isla bisha Maarso gudaheeda uu Golaha Ammaanka baaq kasoo saaro is-mari-waga doorashooyinka Soomaaliya.

Cadaadiska ayaa kusii kordhayay Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo tan iyo markii ay qabsoomi weyday doorashadii Febraayo sababtoo ah heshiis la, aanta ku saabsan sida loo qabanaayo.

Qodobada la isku hayo ee ku saabsan hanaanka doorashada waxaa ka mid ah dhismaha guddiga maamulaya doorashada, xulista xubnaha guddiga ee maamulka la baxay Somaliland, iyo xiisadda ka taagan gobolka Gedo ee xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Farmaajo, oo doonaya markii labaad muddo xileed afar sano ah, inuu dib u dhigay doorashada si loogu kordhiyo waqtiga hadda ka dhamaadey. Hase ahaatee Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay ayaa dalal uusan magacaabin ku eedeeyay dib-u-dhaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM