Golaha Ammaanka oo fariin u diray Farmaajo iyo Rooble

Image
Madaxda maamulada xubnaha ka ah dowlad goboleedyadda ayay booriyeen in ay horay u sii dhaqaajiyaan doorashooyinka.

NEW YORK, USA - Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo walaac qoto dheer ka muujiyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa ku waaniyey in ay ka fogaadaan wax walba oo horseedi kara isku-dhac.

Madaxda maamulada xubnaha ka ah dowlad goboleedyadda ayay booriyeen in ay horay u sii dhaqaajiyaan doorashooyinka. Heshiiska 27-dii May ayay adkeeyeen in lagu dul-shaqeeyo.

"Dhamaan dhinacyada waa in ay is-xakameeyaan oo ay ilaaliyaan xasiloonida, amniga iyo nabada Soomaaliya," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka kasoo baxay golaha ammaanka.

Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa cod dheer ugu baaqdey in lasoo afmeero qalalaasaha siyaasadeed ee kasoo cusboonadey Soomaaliya si aysan mar kae dib ugu dhicin doorashada Soomaaliya.

Geesta kale, musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa taageero u muujiyey qoraaladdii ugu dambeeyay diblumaasiyiinta caalamka kasoo saareen xaalada siyaasada dalka.

"Baaqyadii Midowga Murrashaxiinta, Dawlad Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo Golaha Ammaanka, waxay hoosta ka xariiqeen in loo hoggaansamo heshiiskii 27 Maajo," ayuu ku qoray Facebook-ga.

Wuxuu intaas kusii daray: "Heshiiskaas waxaa wada saxiixay Golaha Wadatashiga Qaran ee uu guddoonkiisu yahay Raysalwasaaraha. Waxaan ka sugnaa waa in aysan iskala qaadin, doorashadana dedejiyaan, si dalku uga baxo hubanti la’aanta sharci iyo tan siyaasadeed".

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku-maan-dhaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la waayey laba bilood kahor ayna qoyskeedu tuhunsan yihiin in ay dileen hogaanka hay'adda NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM