Golaha Ammaanka oo ka shiray xaalada Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA – Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa kulmi doona si ay uga wada hadlaan qalalaasaha siyaasadeed ee waddanka Soomaaliya markii mucaaradka ee dalka ay ku dhawaaqeen in madaxweynaha uusan sharci ahayn, sidda ay xaqiijiyeen illo diblumaasiyadeed.

Kadib kulan albaabada u xirnaa oo goluhu yeeshay Talaadada ayay Britain ku codsatay kulankaas. UK waxay bishaan hogaamineysa Golaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ku magac-dheer naanaysta Farmaajo, wuxuu wajahay xiisad hoggaamineed Isniinta maaddaama xilligiisii dhammaaday iyadoo aan lahayn waddo cad oo loo maro doorashooyinka soo aaadan.

Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inaysan mar dambe aqoonsanayn awoodiisa.

"UN-ka wali waxay wali aragtaa fursad ay ku kulmi karaan hogaamiyaasha Soomaalida, si ay u helaan xal siyaasadeed oo ilaaliya hay'addaha sidda adag u shaqeynaya ee la dhisay," ayuu yiri afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Stephane Dujarric oo shir jaraa'id qabtey.

Wuxuu ku daray: "Wadahadalka dhammaan dhinacyada ay khuseyso waa lama huraan in la helo heshiis cad oo ballaaran oo ku saabsan wadada loo socdo".

Sidda ku xusan jadwalka bilaha, waxaa markii hore qorsheysey kalfadhi Golaha Amniga Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya 22-kii Febraayo, ka hor inta aan la cusbooneysiinin howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, kaasoo dhacaya 28-ka Febraayo.

Farmaajo iyo madaxda shanta maamul goboleed ee federaalka ee Soomaaliya waxay gaareen bishii Sebtember heshiis u gogol xaaraya doorashooyinka dadban ee baarlamaanka iyo madaxweynaha dhammaadka sannadka 2020 iyo horraanta 2021.

Balse, wuu kala daadatay kadib buuq ka dhashay sidda loo qabanayo codbixinta, ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda iyo wakiilada Somaliland. Wadahadalladda daqiiqadihii ugu dambeeyayna lagu badbaadinayay heshiiska ayaa burburay Jimcihii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM