Golaha Ammaanka oo mar kale ka shiraya xaalka Soomaaliya

Image

NEW YORK, USA - Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa maalinta berri oo Isniin ah wuxuu shir gaar ah ka yeelanayaa xaaladda Soomaaliya, sidda ay illo diblumaasiyadeed u xaqiijiyeen Garowe Online.

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, fadhigaas gaar ah waxaa warbixin ka jeedin doona ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliye, Amb James Swan.

Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Agaasimaha Midowga Yurub ee arrimaha Afrika, Rita Laranjinha, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in kulankaas ay ka hadlaan.

"Shirkaan oo ku qabsoomaya aaladda fogaan aragga ah waxaa la rajeynayaa in lagu lafa-guro arrimaha Soomaaliya gaar ahaan is-mari-waaga doorashooyinka iyo xasaradihii dhacay todobaadyadii u dambeeyay," ayay sheegeen illo wareedyadda.

Mr Swan ayaa la filayaa in uu hadal-jeedintiisa kusoo bandhigo qodobadda xudunta u ah khilaafka, caqabadaha soo wajahay dedaaladda Beesha Caalamka iyo mowqifka ay diblumaasiyiinta ka taagan yihiin.

Waa markii labaad oo bishaan gudaheeda uu Golaha Ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ka shiro arrimaha Soomaaliya taas oo muujineysa in qadiyadda coddeynta heer federaal ay caalamka qabsatay.

9-kii bishaan Febraayo ayay ahayd markii u dambeysay uu golahaan ugu awooda badan caalamka ka shiray xaalka Soomaaliya uguna baaqay hogaanka Soomaalida in ay ka tanaasulaan danta gaarka una turaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM