Golaha Badbaado Qaran oo qaadacay shirka Farmaajo iclaamiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Badbaado Qaran ayaa qoraal ay soo saartey waxay si cad kaga hor-timid shirka uu 22-ka Maarso u muddeeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo].

Qoraalka ayay u direen madaxa UN-ka, wasiirka arrimaha dibada Mareykanka, xoghayaha arrimaha dibada Ururka dalalka ku midoobay Barwaaqo Sooranka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, OIC, iyo Jaamacada Carabta.

Bayaanka oo luuqad adag lagu qoray ayay ku qeexeen Farmaajo "in uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan qabsoomida doorashooyinka 2020-21 iyo in ay noqdaan kuwa loo-dhan-yahay xor iyo xalaalna ah".

"Ku dhawaaqidiisa shirkii 5aad si hal dhinac ah iyaddoo xadgudubyadda uu geysanayo ay sii socdaan, waxay salka ku haysaa oo ay sii hurineysaa qalalaasaha iyo kalsoonida lama filaanka ah ee daneeyeyaasha dhextaala," ayay sheegeen.

Golaha ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland, Afhayeenka Aqalka Sare iyo Musharaxiinta ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in Farmaajo "lagula xisaabtamo "ficilada uu ku carqaladeynayo doorashooyinka".

"Kulanka horudhac ah ee uu kaga horudhacay dedaaladda Beesha Caalamka waxay qeyb ka tahay xeeladaha uu ku waxyeeleynayo horumarka laga sameeyay wadahadalada loo dhan-yahay kuna quruxsanayo waqtiga ka dhacay," ayay xuseen.

Ammaanka ayay codsadeen in laga wareejiyo taliska maamulka Farmaajo kahor shir-madaxeedka loo balansan-yahay kaasoo xal waara loogu goobayo is-mari-waaga daba-dheeraaday ee doorashooyinka.

Talaabooyinkii uu Farmaajo ciidamada ugu daabulay gobolka Gedo iyo isku dayga uu ku doonayo in uu kula wareego amniga garoonka Aadan Cadde ayay cambaareeyeen, iyaga oo ka digay in xaalada ay sii xumeyn karto.

Ugu dambeyntii, qoraalkii dhowaan kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka ayay soo dhaweeyeen, iyaga oo guud ahaan shacabka iyo Beesha Caalamka ku booriyey in ay taageeraan dedaalada lagu goobayo kala guur nabdoon.

Hoos ka akhriso qoraalka Golaha Badbaado Qaran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM