Golaha Guurtida Somaliland oo xukuumadda Siilaanyo waqtiga u kordhiyey

Image
Image

May 11, 2015 (GO)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa oggolaadey dib u dhigista doorashada iyo muddo kororsiga ay sameysatey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Guddi ka kooban 30 xubnood oo golaha dhexdiisa laga xuley ayaa soo saarey go'aamo dhowr ah, go'aamadaas oo isla maanta cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey waxaa ugu muhiimsan in sanad iyo toban bilood loogu daray muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

 

 

1-  Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka  Madaxwaynaha  oo ku eg  27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

2- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

3– Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu  noqonayaa hal sano ka dib dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya 27/4/2017.

4- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Somaliland.


Go'aanka Golaha Guurtida Somaliland ay waqtiga ugu kordhiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  waxaa kasoo horjeestey mas'uuliyiinta Xisbiga Wadani, iyagoo ku tilmaamey tallaabo sharci darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM