Golaha Shacabka oo fasax galay xili uu baaqday kulankii maanta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fadhigii maanta ay ku yeelan lahaayeen xubnaha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, sidda uu gudoonka ku dhawaaqay.

Kulankaan oo ahaa midka 17aad ee ka tirsan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxay mudanayaasha akhrinta koowaad ku marsiin lahaayeen Sharciga Iibka Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga.

Geesta kale, sidda ay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay, gudoonka Aqalka Hoose ayaa wuxuu ku dhawaaqay in Xildhibaanada la fasaxay tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Lama shaacin xilliga ay dib ugu soo laabanayaan, inkasta oo lagu soo koobay in kulamada Wakiilada Rayidka ay dib u bilaaban doonan marka ay soo idlaato dabaaldega Ciidul Fidriga oo nagu soo foodleh.

Dhinaca kale, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Golaha Shacabka, ayaa cambaareeyay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Godka Jilacow iyo taalada Daljirka Daahsoon.

Mr Mursal ayaa soo kabasho degdeg ah u rajeeyay Xildhibaan Shabeele oo kamid ah dadka ay waxyeeladu ksoo gaartay qaraxaasi oo ay mas'uuliyadiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

"Weerarada noocaasi ah marnaba nagama hor-istaagi doonan i shaqeynta shacabka," ayaa yiri Mursal, oo raaciyey "Rayidka wax ku noqday ALLE u caafiyo, inta dhimatayna ALLE u naxariisto".

Sidda ay sheegeeen hay'addaha amaanka, waxaa dhacdadaasi ku geeriyootay in ka badan 20 ruux, oo gebigooda ay yihiin askar meesha mareysay xili ay ku jiraan tirro shacaba h.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM