Golaha Shacabka oo meel-mariyey Wax ka bedelka xeerka Saxaafada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa maanta oo Isniin ah ansixiyey Wax ka bedelka xeerka Saxaafadda.

Sharcigan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta xukuumada federaalka ayna door ku lahayd warbaahinta dalka ayaa waxaa ogolaatey 139 Xildhibaan, ma jirin cid diidey, mudane ayaase ka aamusay.

Waa markii labaad muddo saddex sano gudaheeda ah oo uu Aqalka Hoose uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyo hindise sharciyeedkan.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Khayre ayaa dib u eegis ku sameysay ka gedaal markii ay cabasho kasoo gudbiyeen xarumo warbaahinta.

Qodobada cabashada laga keenay ee sharciga ku jiray balse haatan laga saarey waxaa kamid ahaa in saddex kun oo dollar laga qaadi doono wariyihii ay ku cadaato in uu baahiyo warar been ah.

Intaasi waxaa wehlisa qodob kale oo xeerinayay in qof aanan shaahdo Jaamacadeed ka haysan saxaafadda uusan ka shaqeyn karin warbaahinta iyo qodobo kale.

Meel-marinta xeerkan ayaa kusoo beegmaya xili xaaladda xorriyadda hadalka ee Soomaaliya la sheegayo in ay tahay mid liidata xili waddanka uu kamid yahay kuwa ugu khatarta badan ee uu saxafi ka howlgalo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM