Golaha wasiirada Galmudug oo dib loo dhigey magacaabistiisa

Image

19 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ayaa isku af-gartay in dib loo dhigo muddo 15 maalmood magacaabidda golaha wasiirada maamulkaas.

Dastuurka Galmudug ayaa qeexaaya in madaxweynaha muddo 45 maalmood ku soo magacaabo  golaha wasiirada iyadoo uu maanta 18 August,2015  kaga ekeyd, balse dastuurka waxa uu cadaynayaa in muddo dheeraad ah uu Baarlamaanka weydiisan karo, haddii ay baahi timaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo madaxweynaha  oo shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada Cadaado waxay kaga dhawaaqen in magacaabidda golaha Wasiirada dib loo dhigo 15 cisho.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay inay timid baahi loo qabo dib u dhigista magacaabidda golaha wasiirada, waayo buu yiri iyadoo Ahlu Suna aysan aqbalin inay ka mid noqoto Galmudug.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed  waxa uu Ahlu Suna ugu baaqay in mudadaasi  ka faa’iideysato, kana mid noqoto Galmudug, si looga taggo kala qub qubnaan dadka deegaanka ah.

Maamulka Galmudug ayaa waxaa diidey iney aqoonsadaan maamulada Puntland iyo Jubaland kadib markii Dastuurrkooda ku darsadeen degaano aan ka tirsaneyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM