Golaha Wasiirada Galmudug oo saddex qodob soo saarey

Image
Image
Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda Ahlu Sunna aan wali xal waara laga gaarin.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo xalay ku qabsoomay Xarunta Madaxtooyadda magaaladda Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa, sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay golaha, waxaa diirrada lagu saaray  qodobo ay ka mid ahaayeen Xaaladda guud ee Amniga Galmudug iyo Arrimaha Doorashooyinka

Sida ku xusan bayaankan oo lagu faafiyey barta Madaxtooyadda ee mareegga Facebook-ga, dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen saddex qodob oo kala ah;

1: Golaha Wasiirada ayaa waxay go’aamiyeen oo ay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug

2: Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3: Si lamid ah, golaha wasiiradda ayaa waxay adkeeyeen in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

Shirkan deg-deg ah ayaa kusoo aadaya xilli Axmed Macalin Fiq, wasiirka amniga Galmudug, uu ku dhawaaqay in uu iska casilay jagaddaas sababo ku aadan in ay Qoorqoor isku fahmi waayeen xalka xiisada Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna oo laba sano oo ay dibadjoog ka ahayd siyaasada Galmudug soo rogaal celisay ayaa qabsatay magaalada Guriceel. Talaabadan waxay ka careysiisay maamulka Qoorqoor kaasoo diidey waanwaan la bilaabay.

Wareega koowaad ee wadaxaajoodyada ayaa kusoo dhamaadey natiijo la'aan ka gedaal markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen shuruudo uu mid kasta la yimid wadahadalada, sida ay xaqiijiyeen dhexdhexaadiyeyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM