​Golaha Wasiirrada Somalia oo yeeshay shir aan caadi ahayn

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku soo biirey shirka intuu socday oo uu dardaaran u jeediyey Wasiirada. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa ahaa dardargeinta Hindise Sharciyeedyada muhiimka u ah howlaha Dowlada.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta shuruucda dalka bacdamaa ay Dawladan tahay tii Sharciga iyo Shacabka, shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.

Golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo Golaha Wasiirada ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka. Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin, Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;

1. Isgaarsiinta 

2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa 

3. La-Dagaalanka Argagaxisada 

4. Runta & Dib u Heshiisiinta

5. Dawladaha Hoose

6. Dambiyada Kufsiga 

7. Muwaadinimada 

8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba 

9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada 

10. Badda 

11. Kheyraadka Biyaha 

12. Tamarta 

13. Maareynta Maaliyada 

14. Istaatiistikada 

15. Xeerka Saxaafada 

16. Waxbarashada 

17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka 

18. Sharciga Beeraha 

19. Gudiga Muftida Culumada. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM