​Golaha xukuumadda Jubbaland oo shiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Shirka Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomay gurigga Nabadda ee Magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad iyo inta badan Xubnaha Gollaha Wasiirada.

Ajandayaal kala duwan ayaa lagaga hadlay kulanka Khamiislaha ah ee Xukuumada waxaana kamid ahaa.

Wasaarada Cadaalada oo soo jeedisay in dayactir iyo qalabaynba lagu sameeyo Xafiisyada Wasaarada iyo in dib ay hawlhooda u bilaaban Maxkamadaha oo aan shaqaynin wixii ka danbeeyay Bishii Ramadaanka iyo in la baneeyo dhul loo dhisayo Maxkamadaha Dowlada si ay u helaan goobo ku haboon shaqadooda.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa soo jeedisay Warbixin  ku saabsan dhulka Dowlada iyo Dhulalka Ajaanibta oo ay Dowladu Masuul ka tahay waxaa kale oo Wasaaradu ay soo gudbisay in go’aan laga gaadho soo jeedintii hore ee ahayd in la sharciyeeyo Afar xero oo Dowladu ay leedahay balse dad shacab ah ay dagan yihiin Xeryahaas oo kal hore lasoo jeediyay in Dowladu ay dadka dagan u sharciyayso.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro Mushkiladaha iskuulada Dowlada.

Wasaaradu waxaa ay shaacisay in uusan jirin iskuul kamid ah kuwa Dowlada oo si toos ah u hoostaga Wasaarada iyo kala qaybsanan dhinaca manhajka ah oo ka jirta iskuulada waxaa kale oo oo Wasaaradu ay soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in iskuulada la hoos geeyo Wasaarada oo ay Maamulkooda la wareegto.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku booriyay in Wasaaradahu ay ku dadaalan dardar galinta shaqada Wasaaradaha iyo u Adeegsita Bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM