​Golaha xukuumadda Jubbaland oo shiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Shirka Golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomay gurigga Nabadda ee Magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka labaad iyo inta badan Xubnaha Gollaha Wasiirada.

Ajandayaal kala duwan ayaa lagaga hadlay kulanka Khamiislaha ah ee Xukuumada waxaana kamid ahaa.

Wasaarada Cadaalada oo soo jeedisay in dayactir iyo qalabaynba lagu sameeyo Xafiisyada Wasaarada iyo in dib ay hawlhooda u bilaaban Maxkamadaha oo aan shaqaynin wixii ka danbeeyay Bishii Ramadaanka iyo in la baneeyo dhul loo dhisayo Maxkamadaha Dowlada si ay u helaan goobo ku haboon shaqadooda.

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa soo jeedisay Warbixin  ku saabsan dhulka Dowlada iyo Dhulalka Ajaanibta oo ay Dowladu Masuul ka tahay waxaa kale oo Wasaaradu ay soo gudbisay in go’aan laga gaadho soo jeedintii hore ee ahayd in la sharciyeeyo Afar xero oo Dowladu ay leedahay balse dad shacab ah ay dagan yihiin Xeryahaas oo kal hore lasoo jeediyay in Dowladu ay dadka dagan u sharciyayso.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa soo jeedisay in xal laga gaaro Mushkiladaha iskuulada Dowlada.

Wasaaradu waxaa ay shaacisay in uusan jirin iskuul kamid ah kuwa Dowlada oo si toos ah u hoostaga Wasaarada iyo kala qaybsanan dhinaca manhajka ah oo ka jirta iskuulada waxaa kale oo oo Wasaaradu ay soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in iskuulada la hoos geeyo Wasaarada oo ay Maamulkooda la wareegto.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku booriyay in Wasaaradahu ay ku dadaalan dardar galinta shaqada Wasaaradaha iyo u Adeegsita Bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM