Aqalka Sare oo dib u dhigay ka doodista Kiiska Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Gollaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa dib uu dhigay ka doodista Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax" oo bishii August loo gacan geliyay Ethiopia.

Afhayeenka Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku dhawaaqay in dooda ku aadan arinta Qalbi Dhagax, laga saarey Ajandaha Kulanka maanta, kadib markii ay 21 Mudane isku raaceen in dib loo dhigo.

11 Xildhibaan ayaa kasoo horjeysatay, 4 kalena way ka aamuseen codka loo qaadey dib u dhigista.

Xukuumadda Somalia ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafey u dhiibtey Cabdikariim Qalbi Dhagax dowladda Ethiopia, oo katirsan ONLF, kadib markii ay Ciidamada Galmudug kasoo qabteen Gaalkacyo.

Kiiska Qalbi Dhagax ayaa dhaliyay buuq xooggan, iyadoo Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno kasoo mid noqday dowladda Xasan Sheekh ay billaabeen kicin dadweyne, iyagoo doonaya inay iska horkeenaan dowladda Farmaajo iyo Shacabkeeda.

Waxay ku eedayeen Xukuumadda Khayre inay ku qaldanayd in Qalbi Dhagax u gacan geliso Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM