Gollaha Shacabka oo ansixiyay Miisaaniyadda DF Soomaaliya ee 2018

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa maanta meel-mariyay Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadka 2018-ka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka lagu ansixiyay Miisaaniyadda waxaa shir gudoomiyay Gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, waxaana soo xaadiray 164 Xildhibaan.

Waxaa ogolaaday Miisaaniyadda cusub 162 Mudane, halka mid uu diiday, midka kalena uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Muudey markii ay soo idlaatay codeynta.

Miisaaniyadda 2018-ka waxaa ka taagnaa mudooyinkii dambe dood adag, oo ku saabsan qaabka loo qoondeeyay, kadib markii wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle uu kusoo daray canshuur laga qaadayo Gunooyinka Xildhibaanada.

Beyle wuxuu sheegay in miisaaniyadda cusub ay gaaraysa 274 Milyan oo doolar, maadaama lagu soo kordhiyay 14 Milyan oo doolar tii hore ahayd 260 Milyan.

Sare u qaadista Miisaaniyadda ayaa ka damabaysa dhaqaalaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku bayaxa iyo mushaaraadka Senetarada, taasi oo aan horey uga mid ahayn miisaaniyadii dowladda Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM