Gollaha Shacabka oo dood adag ka leh sharciga Hantidhowrka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadda Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood adag oo ku saabsan sharciga Hantidhowrka qaranka ku leh xaruntooda Muqdisho.

Sharcigan ayaa maraya akhrinta saddexaad oo ah marka ugu dambeysay, waxaana la filayaa in Gollaha Shacabka uu maanta go'aan ka gaaro, ansixin ama diidmo midkood.

Sharciga oo ay soo diyaarisay wasaarada Maaliyadda ayaa dib loogu celiyay mar hore, oo ay wax ka bedal kusoo sameysay, xili ay kusoo wareejisay Guddiga maaliyadda ee Aqalka Hoose oo Gollaha Shacabka horkeenay maanta.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay soo gabagabeeyaan dooda la xiriirta wax ka bedalka sharciga, kaasi oo qodobo dhowr ah ay su’aal geliyaan, kuwaasi oo ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in bidhaamiyo.

Fadhiyadii looga dooday akhrinta koowaad iyo labaad ayay sharci-dejiyaashu ku doodeen in wasaaradu qodobo aan loo baahneen kusoo dartay sharciga, inkasta oo aanan la hubin hadii laga soo saarey qodobadaasi.

Xubnaha wakiilada rayidka ayaa lagu wadaa in marka ay soo dhamaato dooda iyo akhrinta saddexaad ay cod geliyaan sharciga si uu unoqdo mid dhaqan-gal xili aanan laga hor-dhici karin natiijada coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM