Gollaha Shacabka oo fariin u diray Xukuumadda iyo dowlad-goboleedyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal beeleedka kasoo cusboonaatey degaanka Dhumay ee duleedka Laascaanood ayaa waxay ahareysay fadhigii maanta ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gollaha, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa gaba-gabadii kulanka ka akhriyay baaq nabadeed oo ku aadan Colaadda Dhumay, isagoo fariin sidoo kale u diray Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada.

"Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu aad uga xun yahay colaadda soo noq-noqtey ee Koonfurta gobolk Sool, Golluhu wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah inay deg deg u joojiyaan colaadda," ayuu yiri Mursal.

Waxa uu gudoomiyaha ugu baaqay Ismida, culimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii loo demin lahaa dagaalka Beelaha walaalaha ah ku dhexmraya Dhumay, kaasi oo ay ku dhinteen 50 qof.

Ugu dambeyntii, Gollaha Shacabka ayaa usoo jeediyay Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka inay kaalin mug leh ka qaataan joojinta colaadda Koonfurt gobolk Sool.

Baaqan ayaa ku biiraya baaqyo kale oo ay jeediyaan Xukuumadda Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, iyadoo aan la ogeyn in hadallada lagu qorey war-saxaafadeedyada ay demin karaan colaadda sokeeye.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM