Gollaha Shacabka oo kulmaya xili fadhigii koowaad lagu kala tegay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta oo Isniin ah uu yeesho fadhigii labaad ee ka tirsan kal-fadhiga 5aad.

Ajendaha kulanka ayaa ah labo qodob oo kala ah; Hadal jeedinta afhayeenkaha Golaha Wakiilada iyo warbixinta guddiga dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah.

Tani ayaa ka dhigan in aanan lagu soo darin dalabkii qaar kamid ah mudanayaasha ay soo gudbiyeen ee ku aadanaa in lagu soo daro ka doodista xaalada haatan ee amniga.

Ma cadda sababta dhalisay arrinkaan, balse waxaa lagu waramayaa in xoghaynta golaha aysan sharcidejiyaasha ka qaban cabashadaasi.

Fadhigii koowaad oo qabsoomi lahaa maalintii Sabtidii ayaa u baaqday kooram la’aan markii ay kaliya soo xaadirtay kaliya 116, loona baahnaa 135 mudane.

Mudanayaal ka tirsan Aqalka Hoose ayaa kulankaasi ka sameeyay mudaaharaad iyaga oo ku eedeeyay gudoonka in uusan dhax ka ahayn xaaladaha dalka ka jira.

Arrimaha ay ka cabanayaan waxaa kamid ah in uu iska indhatirayo danaha guud ee qaranka, gaar ahaan amniga sii xumaanaya, eedayn uusan wali ka jawaabin afhayeenka.

Gudoomiye Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in uu hadal-jeedintiisa kusoo qaado arrimo ay kamid yihiin xildhibaanada aanan imaan fadhiyada uu golluhu yeelanayo.

Warar ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar ay qorsheynayaan in mar kale ay sameeyaan dibadbax ay ku muujinayaan dareenkooda, talaabo aanan horey looga baran.

Sida muuqata kulamada Aqalka Hoose ayaa ku bilowday kala feker duwanaanshiyo heerkii ugu sareysay, taasoo caqabad ku noqon karta howlaha baaxada ah ee horyaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM