Gollaha Shacabka oo markale ka doodaya Miisaaniyada 2019

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaasi oo daba-socda fadhigoodii shalay.

Ajendayaasha kulankaan lagu gorfeyn doono ayaa kala ah; u-codeynta Xeerhoosaadka Aqalka Hoose, Miisaaniyadda 2019 iyo Akhrinta 3aad ee Hindisa Sharciyeedka Askarta Naafada noqotay ee ku kamidka ah Ciidamada.

Ansixinta Miisaaniyada dowlada ee 2019 ayaa ah qodobka sida wayn Isha loogu hayo, maadaama mudanayaasha ay ku kala qaybsan yihiin, kadib markii Guddiga Maaliyadda warbixintii uu soo saarey ku sheegay inuu jiro musuq-maasuq iyo lacag maqan.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in wasaarada Maaliyada aysan kusoo caddeyn miisaaniyada xisaab-xirka sanadkaan dhamaanaya iyo 2017, waxayna soo jeediyeen inaan lagu deg-degin meel-marinta Miisaaniyadda, illaa laga caddeynayo lacagaha la lunsaday.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in $42 milyan laga waayay miisaaniyadda, taasoo ay ku jirto $20 milyan oo kahartay $50 milyan oo 2017 Sacuudiga ugu deeqay dowladda Federaalka.

Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in Miisaaniyadani ay dalka u horseedayso maal-geshi balaaran iyo kobac dhaqaale oo ka sareeya meeshii uu horey wadanka u taagnaa.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Gollaha Shacabka ka ah 75% ayaa olale xoogan ugu jirta sidii loogu ansixin lahaa Miisaaniyadda, taasi oo dhan 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka.

Xubnaha Gollaha Wasiirada ku jira, Aqalka Hoosena ku jira ayaa la filayaa inay soo xaadiraan Fadhiga maanta si ay uga qayb-qaataan meel-marinta oo codka loogu qaadi doono qaab gacan-taag ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM