Gollaha Wasiirada DFS oo ansixiyay Sharciyo cusub

Image

MUQDISHU, Somalia - Gollaha Wasiirada Somalia ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasi oo looga hadlay Arrimaha ay ka mid ahaayeen Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyada Maareynta Maaliyada iyo kan Xakameynta Hubka wax Dila iyo warbixino ku aadan maxaabiista India, diyaarinta Heshiiska Xaquuqda Caruurta iyo arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan socdaal uu isaga iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ay ku tageen dalka India oo Soomaaliya iyo India ay ku soo kala saxiixdeen Heshiis ku aadan is-weydaarsiga maxaabiista. 

118 dhalinyaro oo loo heysto danbiyada burcad-badeednimo ayaa marka la xukumo heli doona fursad dalkooda dib loogu soo celiyo. Wasiirka ayaa sheegay inay dowlada India ka aqbashay codsi ku aadan in visaha India laga bixiyo Muqdishu oo shacabka Soomaaliyeed ee doonaya inay waxbarasho ama caafimaad u aadaan India loo sahlo dal-ku-galkooda. Dowlada India ayaa ballanqaaday inay xafiiskeeda dal-ku-galka u soo wareejin doonto Muqdisho.

Golaha Wasiirada ayaa dood iyo falanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Maaliyada oo uu wasiirka Maaliyada soo gudbiyey. Golaha Wasiirada ayaa dood iyo flanqeyn ka dib ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka Wax Dila oo uu wasiirka Amniga soo gudibiyey.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyo kale oo uu ka mid ahaa kan La dagaalanka Argagaxisada oo golaha ay daraasad iyo akhrin ku soo sameynayaan si loo ansixiyo kulamada kale.

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay diyaarinta bilowga heshiiska Xaquuqda Carruurta oo meel fiican maraya iyo horumarka wajiga labaad ee dhisida Guddiga Madaxbannaan ee Xaquuqul Insaanka oo la xayeysiiyey looguna baaqay cid walba oo daneyneysa inay araajidooda soo gudbiyaan ka hor 2da September 2017ka.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ka warbixiyey safar uu ku tagay dalalka Mauritius iyo Sudan oo lagu horumarinayey waxbarashada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyey dhismaha guddiga hubinta shahaadooyinka dalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ugu dambeyntii sheegtay in Soomaaliya sanadkii 3aad lagu guuleystay in la ciribtiro cudurka dabeysha tansoo ah guul weyn oo weliba Wadamo badan oo ka dhaqaale badan kana amni badan ay ku guuldareysteen, halka 3dii sano ee ugu danbeysey aan Soomaaliya lagu arag cudurkan dabeysha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM