Gollaha Wasiirada DFS oo ansixiyay magacaabista Hanti-dhowre cusub

Image

MUQDISHU, Somalia - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayaa Kulankiisa maanta ku magacaabay Hanti-dhowre cusub, kadib markii xilka ay ka qaadeen bishii May xilkii ay ka qaadeen Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Maxamed Cali Afgooye, ayaa loo magacaabay Hanti dhowaraha qaranka, isagoo bedeli doono Dr Nuur Faarax Jimcaale, oo xilkaasi laga qaadey 4tii May, kadib markii mid kamid ah ilaaladiisa meel ku dhaw Villa Somalia ku dilay Wasiirkii Howlaha Guud iyoo dib u dhiska Cabaas Siraaji bishii May 3.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa soo jeediyay magacaabista Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali, kaasi oo ugu dambeyn maanta ay meel mariyeen Gollaha Wasiirada.

Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo la hadlay Saxaafada Kulanka kadib, ayaa sheegay in Maxamed Cali Afgooye uu ka yimid dhanka Mareykanka, oo wax kusoo bartay kana soo shaqeeyay mudo dheer arrimaha Xisaabaadka.

Gollaha waxay sidoo kale maanta ka doodeen sidii loo dardargelin lahaa Howlaha Xukuumadda horyaalla, iyagoo markiisan meel-mariyay Sharciyada Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM