Gollaha Wasiiradda KG oo Shir deg deg isagu yimid iyo go'aanno lasoo saarey

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta Shir aan caadi ahayn isagu yimid magaalada Baydhabo, saacado kadib markii Gudiga doorashada ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha.

Shirkan oo uu gudoomiyay Ku simaha Madaxweynaha, ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa waxaa laga soo saarey qodobo saddex ah oo ku saabsan xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee Koonfur Galabeed.

Waxaa kulanka warbixin ku saabsan amniga looga dhageystay Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Eelay, oo soo bandhigay qorshooyinka ay Wasaaradiisa u dejisay arrimaha amniga, maadaama Baydhabo ay ku jirto xaalad kala guur ah.

Qodobada kasoo baxay Shirka:

1) Waxa ay si guud u soo dhoweeyeen dadaalka ay wado Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

2) Waxaa amaan iyo bogaadin ay u jeediyeen Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay Shaqada u wadaan.

3) Shacabka ayay ugu baaqeen in ay muujiyaan degnaansho, kuna kalsoonaadaan madaxdooda, iskana ilaaliyaan wax walba oo dhib ku keen karo xasanoolida Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta markii afaarad dib loo dhigay doorashadii la filayay in shanta bishan ay ka dhacdo Baydhabo, taasoo ay hareysay fareglin iyo qas la sheegay inay ku hayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM