Gollaha Wasiiradda oo ansixiyay Miisaanid aan Muqdisho dhaafsiisnayn

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta isagu yimid shir aan caadi ahayn, kaasi oo lagu meel-mariyay Miisaaniyadda 2019-2020.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ansixinta Miisaaniyaddd cusub, oo gaareysa $340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar)

"Maanta waxaan Golaha Xukumadda horgeeynay Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka Soo socda 2019-2020, dood dheer kadibna Goluhu waa uu meel mariyay," ayuu ku yiri Beyle qoraal uu soo dhigay Facebook.

Miisaanadda sanadka soo socda ayaa ka badan midka sanadkan 2018 oo ahaa $274.6 Milyan oo dollar, kaasoo xiisab-celintiisa sida loo maareeyay uu horyaallo wali Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka.

Miisaaniyadda ayaa isagu jirta Dakhliga Gudaha, gaar ahaan canshuuraha Dekedda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, deeqaha dowladda ay ka heshay deeq-bixiyaasha iyo kuwa kale.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay in miisaniyadeedu tahay mid ku kooban kaliya Muqdisho, oo aan gaarsiisnayn dalka oo dhan, iyadoo xilligan la taagan yahay waqtigii la baahin lahaa dowladnimada.

Soomaaliya ayaa wali safka hore kaga jirta liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, iyadoo dhawaan mas'uuliyiin sare oo katirsan Xukuumadda hada jirta loo xiray arrimo musuq-maasuq la xiriira.

Madaxda u xiran musuq-maasuqa waxaa kamid ah Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow, shaqaale iyo xubno kale oo agaasimiye-yaal, iyadoo shaqa joojin lagu sameeyay wasiir ku xigeeno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM