Gollaha Wasiiradda oo baajiyay Shir aan caadi aheyn
MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Rooble ayaa dib u dhigay shir aan caadi ahayn oo la filayay inay Maanta yeeshaan, kaasoo sida Garowe Online uu ogaadey ajandihiisu ahaa in go'aanno looga soo saaro xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliye iyo Kenya.
Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu wadey inay soo saaraan go'aan ka dhan ah Jubbaland oo khilaaf xoog leh kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, waxaana wararku ay sheegayaan in kulanka laga yaabo Todobaadkan in la qabto.
Lama oga sababta baaqashadda, laakiin Warsidaha Garowe Online ayaa isku dayaya inuu helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan waxyaabaha ka socda Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Waa markii labaada oo Gollaha Wasiiradda ay ku guuldareystaan inay yeeshaan shirka aan caadiga ahayn, oo Maanta indhaha lagu wada hayay, islamarkaana loo dheg taagayay go'aannada cusub ee dowladda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmo kahor ugu yeertay wadatashi safiirkeeda Nairobi Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan], iyadoo ku amartay inuu Muqdisho ka tago danjiraha Kenya Lucas Tumbo.
Go'aankan ayay u sabaabaysay dowladda faragelin ay sheegtay inay Kenya ku hayso doorashooyinka dalka, iyo Jubbaland oo sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda in Nairobi ku qasbayso Axmed Madoobe inuu ka baxo heshiiska doorashadda.
Kenya ayaa ku tilmaantay eedeymaha Villa Soomaaliya kuwa aan waxba ka jirin, oo Farmaajo ka dhiganayo olole doorasho, waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Nairobi tilmaantay in aan lala soo sameynin xiriir ku aadan eryida Safiirkeeda.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa xariirkooda gaarey meeshii ugu hooseysay markii uu Farmaajo xafiiska yimid, waxayna labada dalka isku hayaan arrimo xasaasi ah, oo ay kamid yahay dooda badda, oo hadda la filayo inay Maxkamadda ICJ go'aan ka gaarto.
Xukuumadda Rooble oo waqti yar haysata ayaa u muuqata inay luminayso fursadihii lagu qaban lahaa doorashooyinka, oo kasoo gudbay hadda mudadii lagu balamay oo ahayd 1-da December in la doorto Senatarkii ugu horeeyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqey inay xoogga saarto, kana shaqeyso arrimaha gudaha, halka ay ku mashquuli lahayd abuuridda khilaafyo dibadda ah, maadaama dalka qarka u saaran yahay fashil iyp fowdo.
GAROWE ONLINE