Gollaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansxiyay Safiirro cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ansxiyay Safiiro cusub oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Danjirayaasha cusub oo ka kooban 3 xubnood ayaa mid kamid ah waxay tahay Haweeney, halka labadda kale ay yihiin Rag, waxaana wali la shaacin dalalka ay ku metali doonan Soomaaliya.

Wasiiru dowladaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa magacyadda Danjirayaasha cusub ku kala sheegay; Marwo Xaawa Xasan Maxamed, Dr Ibraahim Isxaaq iyo Cabdiwali Jeylaani Xaaji Cabdow.

"Safiiradaan cusub waxay ku biirayaan kuwa horey loo magacaabay. Dalalka ay Soomaaliya ku metali doonan waxaa lagu soo saari doonaa fafaainta rasmiga ah," ayuu hadalkiisa ku daray Wasiiru dowladaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Safiiradda cusub ayaa sidoo kale u baahnaan doona inay ogolaansho ka helaan dalalka loo magacaabay.

Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horey u meel-mariyeen dhowr Safiiro tan iyo markii uu Farmaajo la wareegay talada dalka sanadkii tagey.

Safiiradda waxaa ku jira kuwa si gaar ah uu u wato Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Villa Somalia, oo hadda laga dhigau ku xigeenka Taliyaha NISA, kuwaasoo kala ah Safiiradda Qadar iyo Eithiopia. 

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo beegmaya xili dowladda Farmaajo ay ku eedeeyeen Xilldhibaano ka tirsan dowladda inay ku xadgudubtay heshiiska awood-qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed, kaasoo lagu gaarey Magaalada Carte ee dalka Jabuuti.

Xilldhibaan ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu Shaqsiyaad ay isku reer yihiin u magacaabay xilal kala duwan, islamarkaana ka qaadey beelihii horey ugu helay hanaanka awood qeybsiga dalka ee 4.5.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM