​Gollaha Wasiiradda Somalia oo ka shiraya dhiibistii Qalbi Dhagax

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa saaka oo Arbaco ah Shir Deg Deg ah isagu yeeray Gollahiisa Wasiiradda si ay uga wada hadlaan dhiibistii Qalbi Dhagax ee dowladda Ethiopia.

Kulankan oo ah mid albaabada u xiran, Saxaafadduna ay dibad-joog ka tahay, ayaa waxaa looga hadlayaa Jawaabta ay Xukuumadda ka bixinayso arinta Qalbi Dhagax, oo shacaba ay aad u hadal hayaan.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo ay xalay kulan gaar ah ka yeesheen Kiiska Qalbi Dhagax.

Xogta ayaa intaasi waxay ku daraysa in Madaxweynaha uu ka codsaday Ra'iisul Wasaare inuu is-casilo, balse uu Mudane Khayre ka biyo diiday arintaasi, inkastoo aan warkaasi si rasmi ah loo xaqiin wali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Ra'iisul Wasaaraha in Xukuumadda ay ku deg degtay in Qalbi Dhagax ay u gacan geliso dowladda Ethiopia, iyadoo aan laga fiirsan, taasina ay keentay inay shacabka ku kacaan dowladda.

Labada Mas'uul ee ugu saraysa dalka, ayaa wararku waxay sheegayaan inay ku kala qeybsameen Kiiska Qalbi Dhagax, waxaana Khilaafkooda uu noqonayaa midkii ugu horeeyay xilli ay mudo 7 Bilood ah Xafiiska joogaan.

Wixii kusoo kordha Warkan kala soco Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM