​Gollaha Wasiiradda Somalia oo ka shiraya dhiibistii Qalbi Dhagax

Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa saaka oo Arbaco ah Shir Deg Deg ah isagu yeeray Gollahiisa Wasiiradda si ay uga wada hadlaan dhiibistii Qalbi Dhagax ee dowladda Ethiopia.

Kulankan oo ah mid albaabada u xiran, Saxaafadduna ay dibad-joog ka tahay, ayaa waxaa looga hadlayaa Jawaabta ay Xukuumadda ka bixinayso arinta Qalbi Dhagax, oo shacaba ay aad u hadal hayaan.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo ay xalay kulan gaar ah ka yeesheen Kiiska Qalbi Dhagax.

Xogta ayaa intaasi waxay ku daraysa in Madaxweynaha uu ka codsaday Ra'iisul Wasaare inuu is-casilo, balse uu Mudane Khayre ka biyo diiday arintaasi, inkastoo aan warkaasi si rasmi ah loo xaqiin wali.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Ra'iisul Wasaaraha in Xukuumadda ay ku deg degtay in Qalbi Dhagax ay u gacan geliso dowladda Ethiopia, iyadoo aan laga fiirsan, taasina ay keentay inay shacabka ku kacaan dowladda.

Labada Mas'uul ee ugu saraysa dalka, ayaa wararku waxay sheegayaan inay ku kala qeybsameen Kiiska Qalbi Dhagax, waxaana Khilaafkooda uu noqonayaa midkii ugu horeeyay xilli ay mudo 7 Bilood ah Xafiiska joogaan.

Wixii kusoo kordha Warkan kala soco Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM