Goobaale oo lagu diley weerar ka dhacey magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia - Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), oo ahaa Taliyaha Guutada 3-aad, ee ciidamada xooga dalka Somalia ayaa lagu dilay weerar ka dhacay maantoo Axad ah magaalada Muqdisho.

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, oo Saaxiibo dhaw ahaayeen Goobaale, ayaa xaqiijiyay Geerida Marxuumka.

Jeneraal Goobaale, ayaa dhaawac culus kasoo gaarey weerarka, oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaaso lagu dhuftay gaarigiisa xilli uu ka baxayey xarunta Gaashaandhigga ee Muqdisho taasoo ku taal wadada warshadaha.

Goobaale ayaa waxa uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiino oo dhaawac ahaan loo dhigay halka  Afar Askari oo kale oo gaariga la saarnaa ku dhinteen qaraxas.

Goobaale ayaa kamid ahaa hogaamiye koxeedyadii Somalia isagoo ka qayb qayb galey dagaalo ka dhacey Koonfurta Somalia iyo gobolada dhexe.

Goobaale ayaa sanadihii 2001-2006 Gudoomiye ku xigeen ka ahaa Jabhadii dooxada Jubba ee Barre Hiraale taasoo maamuleysay gobolada Jubaland.  

Sarkaalkaan oo darajada Jeneraalka ay siiyeen dowladihii KMG ah ee Somalia ayaa taliye ka ahaa ciidamo ka tirsan Federaalka kuwaasoo fadhigoodu yahay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Kooxda Al shabab oo weerarada noocaan oo kale gaysata ayaa sheegatey mas'uuliyadiisa iyagoo xusey  iney dileen sarkaal maleeshiyo beeledkiisu ka tirsan yihiin ciidmada Federaalka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM