Goodax Barre oo ka qoomameeyay hadalkii uu ugu gafay Puntland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa ka qoomameeyay hadaladii uu ugu gafay Imtixaanka dowladda Puntland.

Sabtidii, isaga oo ku sugan magaaladda Jowhar, ayuu Mr Goodax Barre shaaciyey in Imtixaanka Puntland oo shalay bilowday uu guuldareystay, wallow ay beenisay xukuumadda Garowe.

Sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Tacliinta xukuumada federaalka ah, Goodax Barre oo ka xun erayadaasi kasoo yeeray ayaa si cad uga cudur-daartay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa qiil loogu dhigay in Wasiirka uu hadalkaasi yiri markii uu yelay akhbaar ku saabsan in madaxweyne Deni uu sheegay in la jabsaday Imtixanaadka Puntland.

Mr Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay furitaanka Imtixaanaadka Dusiga Dhexe iyo Sare ayaa shaaciyey in Imtixaanka si qasab ah looga jabsaday magaalo balse lagu guuleystay in la xaliyo.

"[Way] habooneyd in [wasiirka] uu raadiyo warkaasi xaqiiqadiisa," ayaa laga soo xigtay qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey Garowe Online kuna taariikheysan 19-ka Maaj 2019.

Qirashadda Goodax Barre ayaa imaaneysa xili dowlada Puntland ay shaacisay in ay ashtako ka dhan ah wasiirka ay u gudbineyso madaxda ugu sareysa wadanka hadii uusa wasiirku caddeymo keenin.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM