Goorma ayay DFS la wareegaysa Maamulka Hawada? [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka ee Somalia ayaa shaaciyay in dhamaadka bisha October ee sanadkan ay si rasmi ah ula waraagi doonto maamulka Hawada, oo mudo ka badan 20 sano ay QM maamulaysay.

Dhaqaalaha laga qaado Diyaaradaha Isticmaalla Hawada Somalia waxaa intii uu dalka ku jiray burburka qaadaysay hay’adda ICAO ee duulista rayidka Qaramada Midoobay oo Xafiis ku leh magaalada Nairobi.

Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar”, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka ayaa waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in la xiri doono xafiiska ICAO ee Nairobi, markii ay dowladda la wareegto maamulka Hawada.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in Garoonka Aadan Cadde ay keeneen qalab dhamaystiran oo lagu maamulo hawada dalka, kaasi oo ay maamuli doonta dowladda Federaalka Somalia.

Wuxuu sheegay in Shaqaalaha Ajnabiga ah lagu bedeli doono kuwa Somali ah, markii uu dhamaado Heshiiskooda shaqo, si dhalinyarad Soomaaliyeed ee waxbartey loo siiyo fursado shaqo gudaha dalka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli dowladdii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh ay wadahadal ku saabsan Maamulka Hawada la gashay Somaliland, oo sheeganaysa inay ka go'day Somalia 1991-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM