Goorma ayuu furmayaa Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah in Kalfadhiga afaraad ee Gollaha sharci dejinta dalka uu furamayo 10-ka September.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Mursal ayaa lagu wargeliyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee dalka dibbadiisa ku sugan inay kusoo laabtaan caasimadda dalka Shan maalin kahor inta uusan furmin Kalfadhiga 4aad 5-ta bisha soo socota.

"Kalfadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka Soomaaliya waxa uu furmi doonaa 10-ka bisha September. Mudanayaasha waxaan la farayaa inay yimaadaan caasimada dalka 5-ta bisha," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Gollaha Shacabka.

Kalfadhiga 4aad ayaa waxaa horyaala shaqooyin kala duwan oo ay ugu horeeyaan Hindisa-sharciyeedyo, kuwaasoo dalka ku hagaya inay ka qabsoonto doorashada qof iyo cod ah sanadka 2020, taasoo loo balansan yahay inay qabsoonto.

Kalfadhigii saddexaad waxaa hareeyay Mooshino, kuwaasoo mid kamid ah uu ku baxay Afhayeenkii hore ee Gollahaan Maxamed Cusmaan Jawaari, waxaana shaqooyinka ay qabteen Xubnaha sharci dejinta Soomaaliya kalfadhigaas loo hayeen dhaliilo badan.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ku eedeysay Jawaari inuu waayo xilkiisa, taasoo haatan Gollaha Shacabka ku leh Xilldhibaano badan, xili la ogyahay in Gollaha Wasiiradda ay 75% ay yihiin Mudanayaal ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tan iyo doorashadii Mursal, Gollaha shacabka ayaa howshiisa noqotay mid gaabis ah, iyadoo hogaanka cusub la sheegay inuu xiriir dhaw kala dhaxeeyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM