Gorfayn ku saabsan Somaliya iyo doodaha ansaxinta axdiga caalamiga ah ee ciribtirka haybsooca dumarka (CEDAW)

Image

Waxa ay ahayd bishii May 2016 markii Golaha wasiirada dawladda federaalku anisixiyeen siyaasadda jinsiga oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka heer Federal. Siyaasadda ayaa ka kooban 25 bog oo u kala baxda hordhac,masuuliyada wasaaradda,sharciyada siyaasada,ujeedooyinka hagaysa siyaasada,hadafka,ujeedada,himilada iyo mabaadi’da hagaysa siyaasada,qorshaha fulinta siyaasada,arrimaha ahmiyada gaarka ah leh,Doorka iyo waajibaadka hey’adaha,kormeerka iyo qiimeynta,tuseyaasha qiimeynta guud,xiliga loogu talagalay hirgelinta siyaasada Jinsiga Qaranka,gabagabo iyo gunaanad. Ujeedada guud ee siyaasadda ayaa ah sidii ay hay’adaha dowladdu ay si dhab ah ugu hirgelin lahaayeen dhamaan heshiisyada caalimga ah oo la xiriira jinsiga. 

Haseyeeshee , taariikhdu markii ay ahayd 28th Bisha June 2016 , ayaa waxaa arrimo ku xusan siyaasadda cusub bayaan kasoo saaray  Hay’adda Culimada Soomaaliyeedoo shir jaraa’id oo ay ka akhriyeen bayaanka ku caddeeyay in arrimo badan oo ku xusan siyaasaddu ay kasoo horjeedo Diinta Islaamka . Arrimaha ugu muuhiimsan ee Culumadu tilmaameen in ay Siyaasaddu kaga soo horjeedo diinta Islaamka ayaa waxaa ka mid ahaa in bogga 6aad ee siyaasadda lagu xusay (waxaa laga maarmaan ah in dawlada federaalku ay saxiixdo dhamaan shuruucaha caalamiga ah iyo kuwa heer gobol sida ciribtirka haybsooca ka dhanka ah haweenka(CEDAW),heshiiska xuquuqul insaanka afrika(ACHPR),heshiiska xuquuqda dadka iyo haweenka 2003(the Maputo Pratocol),heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo dhedigga ee afrika(SDGEA),heshiiskii ka hortaga cadaadiska iyo faraxumaynta ka dhanka ah haweenka iyo caruurta,mabaa’didii talaabooyinkii Beijing iyo qaraaradii qaramada midoobey oo tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820) .

HALKAN KA AKHRI MAQAALKA OO DHAMEYTIRAN: Dooda Culumada iyo Siyaasadda Jinsiga.pdf

BY: Saalim Siciid Saalim

Technical policy and legal advisor, Care International.
Senior lecturer at Faculty of Law of Puntland State University (PSU), Garowe Campus. Cell-Phone +252-9-7794498 Gmail:Salimalhadrami@gmail.com

www.puntlandstateuniversity.com

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM