Guddi diyaariya doorashada wakiilada Somaliland oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacaabay guddi la sheegay in ay qaban-qaabin doonan doorashadda Xildhibaanadda goboladda waqooyi.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo soo saarey qoraal ku taariikheysan 1-da bisha October sanadkan 2020 ayaa soo bandhigay magacyadda todoba mas'uul kuwaasoo lix kamid ah yihiin Xildhibaano, midna Senator.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, sii-haayaha wasiirka maaliyada ahna mudane ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa gudoomiye u ah guddiga, halka uu ku xigeen u u yahay sharci-dejiye Maxamed Cumar Carte.

Marka laga reebo Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd oo xoghaye u ah guddiga, inta kale waa xubno "kuwaasoo la rajeeyay in ay fududeyn doonan howlaha loo idmaday" oo ah qabashada doorashooyinka.

Sidda uu xeerinayo heshiiska doorashooyinka 2020-21 ee 17-kii September ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladda iyo maamuladda, wakiilada Somaliland waxaa lagu dooran doonan magaala madaxda Muqdisho.

Kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka federaalka ayaa horey loogu eedeeyay Villa Soomaaliya in ay maleegtay sidii ay u afduuban lahayd ayna kamid tahay qorshaha uu Farmaajo rabo in uu kusoo laabto.

Baarlamaanka haatan jooga ee dalka wuxuu waqtiga ka dhacayaa November, 2020 taasoo la macno ah in ay muddo xileedkooda dastuuriga ah ay uga hartay hal bilood loona baahan yahay in la dardargeliyo coddeynta.

QORAALKA AQALKA SARRE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM