Guddiga diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah wuxuu magacaabey guddi ku meel gaar ah kaasi oo diyaarinaya sharciga doorashooyinka qaranka ee 2020-21.

Guddigan oo ka kooban 15-xubnood ayaa waxay gebi ahaantooda ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, sidda ku xusan bayaan kasoo baxay xafiiska Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, kaliya laba xubin oo dumar ah ayaa ku jira guddiga, kuwaasi oo kala ah; Xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed iyo Sahra Cabdullaahi Cabdiraxmaan.

Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadda oo madaxweyne Farmaajo uu Sabtidii madaxtooyadda uu ku qaabilay wakiilka UN-ka iyo safiirka UK oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka qaranka.

Kahor shirkaasi, Mursal ayaa wuxuu la kulmay xubno uu kamid yahay ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa iyo danjireyaal, isaga oo kala xaajoodey qodobo ay ku jiraan coddeyntan.

Aqalka Hoose waxaa hore loogu soo gudbiyey sharci ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda kaasi oo ay ka hor-yimaadeen qaar kamid ah maamul goboleedyadda iyo xisbiyadda siyaasadeed.

Ma cadda illaa iyo haatan hadii guddiga uu wax ka bedel ku sameyn doonan xeerkaasi iyo in ay mid cusub ay isku dabaridi doonan.

Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa in ay qabato doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-21, taasi oo ay uga gudbeyso nidaamka ku dhisan wax-qabsiga beelaha ee loo yaqaano 4.5.

Doorashadaasi ayaa noqon doonta mid ay xisbiga siyaasadeed oo haatan aad u badan ay metalaad ku yeelan doonan baarlamaanka, wallow la sheegayo in aysan ka duwaneen tan qabiilka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM