Guddi hoosaadyada barlamanka DF oo su'aalo weydiiyey siddeed wasiir

Image

May 12, 2015 (GO)- Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada ayaa waxaa maalintii seddexaad ka soconaya kulammo howleedyo ay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood su’aalo ku weydiinayaan Wasiirrada  Xukuumadda iyadoo maantana loo yeeray siddeed Wasiir si wax looga weydiiyo qorshe howleedka Wasaarradaha ay maamulaan.

Guddoomiyaha Barlamanka Dowladda Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shir guddoomiyey kulan guddi hoosaasyada barlamaanku su'aalo ku weydiiyeen Maxamed Xasan Aadan oo ah  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  Saciid  Xuseen Ciid oo uu wehliyey Wasiir ku xigeenkiisa.

Waxaa sidoo kale maanta su'aalo la weydiiyey Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahin iyo Wasiirka Wasaarradda Dastuurka  Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay inay muhiimad weyn ku fadhiyaan la xisaabtan xukuumadda si loo qiimeeyo waxqabadka wasaarad walba, maadaama barlamanka arrintaas mas'uuliyadi ka saaran tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM