Guddiga abaaraha Somalia “Waxaan aruurinay in kabadan 2 Milyan oo deeq ah”

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xarunta gollaha shacabka waxayna warbixin ka dhagaysteen guddiga abaaraha dalka.

Guddiga abaaraha Somalia ayaa sheegay inay soo aruuriyeen tan iyo markii la magacaabay December lacag gaaraysa $2,481,043 (Labo Milyan, Afar boqol iyo sideetan iyo kow kun iyo afartan iyo saddex doolar).

Prof Yaxye Cali Ibraahim, oo xubin ka ah Gudiga abaaraha ayaa sheegay in lacagtan ay intooda badan u qeybiyeen maamul goboleedyada dalka iyo Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo duleedka Muqdishu.

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoomiyaha Afhayeenka golaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa waxaa soo xaadiray 192 Mudane.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale loo soo bandhigay liiska guddiyada joogtada uu yeelanayo Barlamanka Somalia.

Arrintan ayaa timid xilli wali uu furanyahay Kalfadhiga Barlamanka dalka oo ahaa kii ugu horeeyay ee yeeshaan xildhibaanada 9-aad ee dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM