Guddiga madaxda u tahay Xaliima Yarey oo mudada loo kordhiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay Muqdisho ayaa wax ka bedel ku sameeyay sharciga lagu aas-aasay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wax ka bedelkaas ayaa si gaar ah u khuseeya xilheynta guddiga oo ah lix sano oo aan la kordhin karin. Balse, mudaneyaasha Aqalka Hoose waxay u cusbooneysiiyeen in ay sii shaqeeyaan lixda sano ee soo aadan.

Sidda uu ku dhawaaqay shir guddoonka golaha oo ahaa Mahad Cabdalla Cawad, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, 145 sharci-dejiyeyaal oo xaadirtey fadhigii maanta ayaa meelmarisay muddo kordhinta.

Muddo xileedka guddiga doorashooyinka qaranka ee ay hogaamiso Xaliima Yarey ayaa dhacaya Julaayo, 2021. Ma cadda sababta loosoo dedejiyey kordhinta isla markaana Golaha waqtiga ka dhacay ugu cusbooneysiiyey mudada.

Guddiga ay hogaamiso Xaliima Yarey ayaa ku guuldareystay in uu waddanka hirgeliyo doorashooyin Qof iyo Cod ah oo loo balansanaa in ay waddanka qabtaan dhamaadka sanadkan 2020 iyo horaanta xagaaga dambe 2021-ka.

Talaabada uu baarlamaanka xil-sii-gaarsiinta mudada ugu kordhiyey guddiga Xaliima Yarey ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixayeen Xildhibaano taabacsan madaxweyne Farmaajo oo ku dhegan geedi-u-socod hal dhinac ah.

Midowga Musharaxiinta oo qorshahaas ka hor-yimid ayaa ku adkeysanaya in xal loo helo tabashooyinka taagan si gaar ah guddiyada ay ku jiraan shaqaalaha rayidka, saraakiisha NISA iyo in ciidanka dowlada laga saaro Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM